Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa shaacisay Gantaallo ay Khamiistii rideen kooxda Xuuthiyiinta Yeman ay ka hor tageen, kuwaas oo la filayo inay ku socdeen degaanada Yuhuudda.
Markabka dagaal ee SS Carney ayaa ka hortegay 3 Gantaal iyo Diyaaradaha Drone ee qaraxyada sida oo Xuutiyiinta Yeman ay u direen dhinaca Isaa’iil, waxayna arrintan keentay cabsi weyn oo laga qabo in dagaalka Xamaas iyo Yuhuudda uu ku fido Bariga Dhexe oo dhan.
Afhayeenka Pentagon-ka Patrick Ryder ayaa shir jaraa’id ka sheegay in bar tilmaameedka gantaallada ay rideen Xuutiuiinta aan si dhab ah loo ogaan karin, balse ay u badan tahay in lala beegsaday bartilmaameedyo ku yaalla Israa’iil.
Israel ayaa baaraysa in gantaalada laga soo tuuray Yemen ay ku wajahnaayeen koonfurta Israel iyo in kale, waxayna qiimeyn hordhac ah muujineysaa in gantaalada Xuutiyiinta ay ku wajahnaayeen Israel.
Sidoo kale ciidamada Mareykanka ayaa weerarro kala kulmay kooxaha ay taageerto Iiraan ee gudaha dalalka Ciraaq iyo Syria. Afhayeen u hadlay Pentagon-ka ayaa sheegay inay awood u leeyihiin inuu difaaco Yuhuudda iyo danahooda Gobolka.
Dhinaca kale saldhig ciidan oo Maraykanku ku leeyahay Syria ayaa lagu beegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taasoo keentay in khasaare kooban laga soo gaaro ciidammada isbahaysiga ee Maraykanku hoggaamiyo.
Sidoo kale Saddex diyaaradood oo nooca aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka loo yaqaan ayaa lagu weerarray ciidamada isbaheysiga Mareykanka ee ku sugan saldhigga Cayn Al-Asad ee gobolka Anbaar, galbeedka Ciraaq.