Xuutiyiinta Yeman ayaa Gantaallo ku weerarray maanta magaalada Eilat e Israa’iil, taasoo jawaab u ahayd weerarkii ay Diyaaradaha dagaalka Yuhuudda ku qaadeen magaalada Xudeydah ee dalka Yeman.
Afhayeenka Milateriga Xuuthiyiinta Yaxya Sariic ayaa shaaciyay in ciidamadooda ay fuliyeen howlgal milateri oo ay ku bartilmaameedsadeen goob muhiim ah oo ku taal magaalada Ummu Rashrash (Eilat), iyagoo ku weerarray Gantaal oo balaastik ah.
Wuxuu intaas ku daray in jawaabta ay ka bixinayaan weerarradii Israa’iil ay noqon doonto lama-filaan iyo is-daba joog oo khalkhal gelisa caddowa Yuhuuda, wuxuuna caddeeyay inaysan dagaalka jooji doojin inta uu socdo dadgaalka gardarrada ee lagu hayo dadka reer Falastiin ee Marinka Qaza.
Qaraxyo ayaa laga maqlay magaalada Eilat ee Israel xalay iyo saaka, waxaana Dadka deggan magaalada ay u cararreen inay dhulka hoostiisa ka galaan Gantaalaha Xuutiyiinta. Milateriga Yuhuudda ayaa qirtay inay yeeriyeen dhawaqa digniinta ee magaalada Eilat, iyagoo ka baqay inay qeybo ka mida Gantaallada oo laga hortegey ku dhacaan magaalada.
Dhinaca kale Xuuthiyiinta ayaa weerar kale oo loo adeegsaday Gantaalada ballistic-ga ah iyo diyaaradaha Drone-ka ku qaaday markabka Mareykanka ee “Bumba”, kaasoo marayay Badda Cas, waxaana la sheegay in si toos ah loo duqeeyay.
Jawaabta Xuuthiyiinta iyo hadalka afhayeenka milatariga Yemen ayaa yimid, kadib markii ciidamada Israa’iil ay ku dhawaaqeen in nidaamka difaaca hawada ee “Hetz 3” uu ka hortagay gantaal ka soo dhacay Yemen oo ku socday Eilat, isagoo sheegay in gantaalku aanu gelin hawada Israa’iil.
Diyaaradaga dagaalka Yuhuudda ayaa shalayweerray xarunta korontada iyo xarunta shidaalka lagu sifeeyo ee dekedda Xudeydah, waxaana weerarka ku dhintay 3 qof, halka 80 kalena ay ku dhaawacmeen.