Kooxda Xuuthiyiinta Yeman ayaa weerar loo adeegsaday diyaaradaha is-wada ee Drone-ka ku qaaday xarumaha shidaalka lagu sifeeyo dalka Sacuudiga, waxaana weerarkaasi ka dhashay dab xoog leh oo qabsaday laba xarumood oo shidaalka lagu sifeeyo oo shirkadda ARAMCO ay leedahay.
Baraha bulshada ayaa lagu faafiyey muuqaal muujiyey dab xoog leh oo ka kacay xarumahaasi oo ku yaalla magaalada Baqiiq iyo Hajra Khureys ee Bariga Sacuudiga. Xuuthiyiinta Yeman ayaa shaaciyey inay Sacuudiga ku qaadeen weerarkii ugu weynaa ee loo adeegsaday diyaaradaha Drone-ka.
Afhayeenka Xuuthiyiinta ayaa shaaciyey in 10 diyaaradaha Drone-ka ah loo adeegsaday, wuxuuna ku hanjabay inay sii wadi doonaan weerarradaasi, siina xoojin doonaan, wuxuuna Sacuudiga u sheegay inay u furan tahy oo kaliya inay joojiyaan dagaalka ay ka wadaan Yeman.
War ay faafisay wakaalada wararka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in la damiyey dab ka kacay xarumaha shidaalka shirakdda Aramco ee Bariga Sacuudig,a kadib diyaarado is-wada oo lagu weerarray; laakiin muuqaallada lagu faafiyey baraha bulshada ayaa muujiyey in dabka oo xoog lahaa uu muddo socday.