Kooxda Xuutiyiinta Yeman ayaa Badda Cas ka qafaalatay Markab uu leeyahay ganacsade Yuhuud ah, waxyana War ay soo saartay ku sheegtay inay jawaab u tahay weerarka ay Yuhuuddu ku heyso Marinka Gaza.
Xuuthiyiinta Yeman ayaa afduubatay Markabka ‘Galaxy Leader’ oo ay saaran yihiin shaqaale caalami ah, wuxuuna sitay calanka Bahama, iyadoo la sheegay inuu ka diiwaan gashan yahay dalka Ingiriiska ah, isla markaana ay Baabuur u siday Dalalka Yurub.
Markabka ayaa la xaqiijiyay inuu qeyb ahaan leeyahay maalqabeen u dhashay dalka Israa’iil oo lagu magacaabo Abraham Ungar, wuxuuna Markabkan la afduubtay ka kireysnaa shirkad laga leeyahay dalka Japan.
Xuuthiyiinta oo ay taageerto Iran ayaa wacad ku maray inay beegsan doonaan maraakiibta xiriirka la leh Yuhuudda ee maraya Badda Cas. Afhayeenkooda ayaa ka digay inay beegsan doonaan Maraakiibta ee Badda Cas mareysa.
Ra’iisal wasaaraha Yuhuudda Benyamin Netanyahu ayaa afduubka markabka ee Badda Cas ay ka geysteen Xuutiyiinta Yemen ku edeeyay dalka Iran, isagoo sheegay inay arrin halis ku ah amniga caalamiga ah.
Markabkan oo ka baxay Dalka Turkiga ayaa ku sii jeeday dalka India, iyadoo ay la socdeen shaqaale rayid ah oo caalami ah. Markabkan ayuu sheegay in laga leeyahay dalka Ingiriiska, ayna gacanta ku hayso shirkad laga leeyahay dalka Japan.
Warka ayaa lagu sheegay in Markabka ay saarnaayeen 25 shaqaale ah oo u kala dhashay dalalka Ukraine, Bulgaria, Philippines iyo Mexico, balse ma jirin cid Israa’iili ah oo saarneyd markabka.