Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku sugnaa magaalada Abu Dhabi xilliga weerarku dhacay
Kooxda Xuuthiyiinta Yeman ayaa gantaallo ku weerartay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaaraadka Carabta xilli uu dalkaasi booqasho ku joogo madaxweynaha Israel saac Herzog oo ah markii ugu horyeysay ee uu tago dalkaasi.
Afhayeenka ciidamada Xuutihiyiinta Yaxye Sariic ayaa shaaciyey inay Gantaallo ku weerarreen caasimadda Imaaraadka Carabta, ayna Faahfaahin kasoo saari doonaan. Wasaaradda Difaaca Imaaraadka ayaa sheegtaya in Gantaal lagu soo weerraray dalkaasi, ayna ka hortageen difaacyadooda cirka, wax qasaare ahna aanu dhalin.
Weerarkan cusub ee Xuuthiyiinta ku qaadeen Imaaraadka ayaa imaanaya iyadoo dalka Imaaraadka uu booqasho ku marayo Madaxweynaha Israa’iil, waxaa kaloo magaalada Abu Dhabi ku sugan Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Waa markii labaad ee Xuuthiyiinta Yeman ay weerar ku qaadaan magaalada Abu Dhabi, kaasoo ay ku dhinteen 5 qof, ayna ku dhaawacmeen 6 kale.

