Friday, March 14, 2025

Xuuthiyiinta Yeman oo Duqeeyay Markab u socday Israel iyo Halista cusub ee Yuhuudda

Xuuthiyiinta Yeman ayaa Gantaal ku duqeeyay Markab shidaal sida oo ku socday dalka Israa’iil, iyadoo ay sii kordheyso halista Yuhuudda ee uga imaaneysa kooxdan ay taageerto Iiraan.

Markabka la duqeeyay ayaa lagu magacaabaa STRINDA, waana markab weyn oo shidaal qaada, waxaana loo adeegsaday Gantaal Cruise ah. Sida uu sheegay afhayeenka Xuuthiyiinta Yahe Sariic, kadib uu markabku iska dhega tiray digniinihii loo jeediyay.

Markabka STRINDA ayaa la sheegay inuu dab ka dhacay, kadib waxyeelo kasoo gaaray Gantaalka lagu dhuftay, waxaana Markabka uu codsi taageero u diray ciidamada Mareykanka ee jooga Badda cas.

Ad

Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in markab uu sitay calanka dalka Norway, markii lagu weeraray gantaal ay soo rideen kooxda Xuutiyiinta Yemen, wuxuuna intaa ku daray in weerarka uu ka dhacay meel u dhow Marinka Bab al-Mandab.

Dhinaca kale, Waaxda Hawlaha Ganacsiga Badaha ee Britain ayaa sheegtay inay heshay Warbixin ku saabsan Dab qabsaday Markab maraya Marinka Bab al-Mandab ee u dhow Xeebaha dalka Yemen, iyadoo kula talisay Maraakiibta inay taxaddaraan.

Kooxda Xuuthiyiinta oo hore Gantaalo ugu riday Israa’iil, diyaarado Drone ahna u dirtay ayaa hadda noqotay halis weyn oo soo wajahday Yuhuudda, markii maraakiibta u socda lagu bilaabay in la duqeeyo.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON