Kooxda Xuuthiyiinta Yeman ayaa Gantaal nooca Balastikada ah ku riday dalka Sacuudiga iyadoo ku weeraray dhinaca magaalada barakeysan ee Maka Almukarama.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in Khamiistii ay ku guuleysteen inay soo ridaan Gantaal ay soo tuureen kooxda Shiicada Yemen ee Xuuthiyiinta, kaasoo la sheegay in lagu soo diray duleedka magaalada Maka.
Gantaalkan ay Sacuudiga soo rideenayaa ku soo dhacay deegaanka Wasaliyah ee gobalka Daa’if oo 69 KM u jirta magaalada barakeysan ee Makkah Al Mukaramah. Ma jirto wax qasaare ah oo uu geystay.
Sacuudiga ayaa ku eedeeyay kooxda shiicada Yeman sheegtay inay doonayaan inay khalkhal ku geliyaan howlaha Xajka, iyadoo xujeydii ugu horeysay oo ka socota dalka Pakistan ay bilaabeen inay tagaan Sacuudiga.
Xuuthiyiinta ayaa dhinacooda beeniyay inay wax Gantaal ah ku tuureen magaalada barakeysan ee Maka. Waxay qirteeny in Gantaal nooca loo yaqaan Burkan 1 ay ku tuureen Saldhiga Militeri ee King Fahad oo ku yaal gobalka Daa’if.
Arrintan ayaa dhalineysa cabsi ku saabsan in Xuuthiyiinta ay dhab ahaan doonayaan inay qas ka abuuraan Xajka sanadkan oo Sacuudiga u ah il dhaqaale oo weyn.