Ciyaartoyda xulka Qaranka Soomaaliya oo lugtii koowaad ee is-reebreebka Koobka K/Cagta ee Dunida Qatar 2022 kasoo hooyey guul Taariikhi ciyaartii dhex maray dalka Zimbabwe ayaa maanta ka degay Magaalada Harare ee Dalka Zimbabwe.
Xiddigaha xulka Qaranka ee lagu naaneyso Ocean Stars ayaa lugta labaad kula ciyaari doona xulka Zimbabwe Garoonka National Sports Stadium ee magaalada Harare, markii laga soo wareejiyey magaalad Bulawayo ee dalkaasi arrimo farsamo awgood iyo codsi uu jeediyey xiriirka K/Cagta ee Soomaaliya, waxaana ciyaartan ay labada xul dhex mari doonaa maalinta Talaadada ah ee Berrito.
Ciyaartooyda Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ciyaartii hore 1-0 kaga adkaaday xulka Zimbabwe ciyaartii ka dhacday dalka Jabuuti ayaa waxaa kulan adag kasoo wajihi doonaa xulka Zimbabwe oo dalkiisa ku ciyaaraya, waxaana la arki doonaa natiijada ay kasoo hooyaan.

