Friday, March 28, 2025

Xulka Gobolka Banadir oo ku guuleystay Koobkii Maamul Goboleedyada & Hambalyo loo diray

Xulka Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay koobkii Kubadda Cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kadib markii cayaartii fiinaalka uu ka badiyey xulka Galmudug.

Xulka Banaadir ayaa goolasha ku hormatay, waxayna ciyaartii ku dhammaatay barbardhac 2-2 ah, iyadoo xulka Galmudug uu dhalin waayey saddexdii rigoore ee ugu horeysay ee loo dhigay, waxaana ka faa’iideysatay Xulka Gobolka Banaadir oo sidaas guushii iyo koobkii ku hantay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u hambalyeeyay xulka G/Banadir, isagoo yiri: “Hambalyo Xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Banaadir oo ku guuleystay Koobka Dowlad Goboleedyada Dalka, sidoo kale waxaan bogaadinayaa Xulka Galmudug oo soo gaaray ciyaarta kama danbeysta ah. Labada Kooxoodba waxa ay muujiyeen xirfad sare, isku xirnaan iyo dadaal ballaaran”

Ad

Sidoo kale Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa farriin hambalyo diray: “Waxaan hambalyo u dirayaa Kooxda Kubbadda Cagta ee Gobolka Banaadir oo ku guuleystay Koobka Kubbadda Cagta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.Waxaan kaloo ku bogaadinayaa kooxihii tartanka ka qeyb galay ciyaar wanaaggii ay muujiyeenWaxaa ammaan mudan intii ka shaqeysay qabanqaabada koobkan xiisaha badnaa iyo taageereyaashii dhiirrigalinta la garab joogay.”

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON