Sunday, January 26, 2025

Xulka Argentina oo kansalay Ciyaar Saaxiibtnimo oo dhex mari lahayd Xulka Yuhuudda [Akhri sababta]

Xulka Kubada Cagta ee dalka Argentina ayaa kansalay ciyaar saaxiibtinimo oo ay la ciyaari lahaayeen xulka Israel, taasoo lagu waday inay Sabtida ka dhacdo magaalada la heysto ee Qudus.

Arrintan ayaa timid kadib cadaadis weyn oo xiriirka kubadda cagta iyo Xulka Argentina lagu saaray inaysan tegin dhulka la heysto ee Falastiin, gaar ahaan goobta la qorsheeyey inay ciyaarta ka dhacdo ee Teddy Stadium, garoonkaasi ciyaaraha oo laga dul dhisay dhul laga boobay Falastiiniyiinta sanadkii 1948.

Ciyaarta ayaa noqon lahayd middii u dambaysay ee xulka Argentine uu ciyaaro kahor inta uusan bilaabin Koobka Adduunka ee bushan ka dhacaya dalka Ruushka.

Ad

Waxaa jiray cadaadis isasoo tarayay oo saarnaa xulka Argentine oo ah in aysan la ciyaarin Israa’iil kaas oo uga imaanayey dibad baxayaal ka eedsheeganaya hab-dhaqanka Israa’iil ee ku aaddan Falastiiniyiinta.

Mid kamida Ciyaaryahanada reer Falastiin oo lagu magacaabo Maxamed Khalil oo ay ciidamada Israel dhaawaceen 30kii bishii Maarso isagoo ka qeyb qaadanaya mudaharaadka Gaza ayaa qoraal uu u diray Kabtanka xulka Argentina ee Lionel Messi u sheegay inuusan ciyaartaasi ka qeyb gelin.

Go’aanka xulka Argentine ayaa jug weyn iyo weji gabax ku ah Israa’iil oo waday olole ay ku dooneyso in magaalada Qudus loo aqoonsado caasimadeeda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON