Monday, February 10, 2025

Xukuumaddii ugu waqtiga yareyd ee Ra’iisal wasaare Rooble oo la ansixiyey iyo Wasiirada oo la dhaariyey

Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta codka kalsoonida siyey Xukuumadda cusub ee Soomaaliya iyo Barnaamijkeeda.

Golaha wasiirada uu soo dhisay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ka kooban 71 xubnood ayaa waxaa codka siiyey 188 xildhibaan, mana jirin cid ka aamustay ama diiday, sidoo kalena ma jirin dood la geliyey barnaamijka xukuumadda cusub.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa Baarlamaanka hortiisa ku dhaariyey Golaha Wasiirada cusub, iyadoo markaas kadib guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh uu kulanka soo xiray, una sheegay xldhibaannada inuu furan yahay kalfadhiga 7-aad ayna is dhex galeen kalfadhigii 8-aad.

Ad

Ra’iisal wasaare Rooble iyo xukuumaddiisa ayaa heysta muddo saddex bilood ah, iyadoo xukuumaddan ay noqotay tii ugu waqtiga yareyd ee Soomaaliya, waxaana howsha ugu weyn ee hortaalla ay tahay qabashada Doorashooyinka 2020/2021.

Image
Image
Image
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON