Thursday, April 24, 2025

Xukuumadda Soomaaliya War kasoo saartay Mooshinka laga keenay Madaxweynaha

Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa War cad kasoo saaray Mooshinkii Xildhibaanada qaarkood ay ka keeneen Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu oogay qodobo khiyaamo qaran iyo musuqmaasuq ah.

Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)
Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)

Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo la hadlay saxafiyiinta ayaa sheegay in Mooshinka laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya uu yahay mid Dib u dhac gelinaya howlihii dowladda iyo hiigsiga cusub, isla markaana abuuri kara khalkhal dhinaca amniga ah.

Wasiir Maareeye ayaa ku dooday inaysan xilligan habooneyn Mooshin laga keeno Madaxweynaha Soomaaliya, mar haddii  waqtiga haray uu kooban yahay, shaqooyin culusna ay hor yaallaan dowladda.

Ad

Waa markii ugu horeysay ee xukuumada Soomaaliya oo si toos ah uga hadasho mooshinka Madaxweynaha iyadoo kulankii toddobaadkii hore ee Golaha wasiirada ay sheegeen inay guddi u saareen  arrinta Mooshinka Madaxweynaha.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON