Wasaaradda Arriaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay oo aqoonsatay Gudoonka cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle oo maanta lagu doortay magaalada Jowhar.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay inay bogaadineyso Guddiga Farsamada iyo guddoonka la doortay, waxayna ku dhiirigelisay inay dhammeystiraan hannaanka Doorashada Hirshabelle.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha xukuumaddda Soomaaliya ayaan cid wakiil ka ah u joogin magaalada Jowhar ee Doorashadu ka socoto.
Ad

Warar Xul ah