Xukuumadda Soomaaliya ayaa si aan hore loo arag u bilowday olole warbaahineed oo ku saabsan mushaar kordhin ku-talagal ah oo ku jira miisaaniyadda soo socota ee 2020-ka oo dhowaan ay ansixiyeen Golaha Wasiirada.
Warbaahinta dowladda ayaa dhex gashay ciidamada Qalabka sida qaarkood, iyadoo la weydiinayo mushaar kordhinta loo sameeyay iyo sida ay u arkaan, waxaana in muddo ah socotay in arrintan lo bedelo olole siyaasadeed oo kasoo bilowday Muuqaal xafiiska Ra’iisal wasaaraha soo saaray oo ku saabsan mushaar kordhinta, kaasoo lagu shaaciyey hal ku dhegyo cusub oo ay ka mid yihiin: ‘Hiigi & hormuar’ iyo ‘Amaano & adeeg”.
TV-ga dowladda ayaa diyaariyey muuqaallo laga soo qaaday askarta ka mida ciidamada dowladda ee aagagga hore ku jira, iyadoo si hoose loogu sheegayo inay kordhinta Mushaarka uga mahad celiyaan xukuumadda iyo Ra’iisal wasaaraha mushaarka loo kordhiyey, kana dalbadaan Baarlamaanka inuu ansixiyo miisaaniyadda sanadka soo socda ee 2020-ka.
Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Somalia oo muuqaalkan warbaahinta Dowladda soo qaatay ayaa sheegay in Wasaaradiisa ay kala shaqeyn doonto Baarlamaanka Soomaaliya, ‘Labadiisa Gole’ sidii loo meel marin lahaa Miisaaniyadda 2020-ka.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo xukuumadda Soomaaliya aysan weli xisaab celin ku sameyn miisaaniyadii sanadaha 2018 iyo sanadka aan weli dhammaan ee 2019 oo dib ugu laabasho lagu sameeyay aan laga ansixin Baarlamaanka, waxayna ahayd dhowaan markii Baarlamaanka uu ansixiyey xisaab-xirka miisaaniyaddii 2017 oo xildhibaannada qaarkood ay sheegeen inay ka maqan tahay lacag ka badan 30 Milyan oo Doolar.
HOOS KA DAAWO