Friday, March 28, 2025

Xukuumadda Soomaaliya oo bixisay Lacag lagu dayactirayo Ceelasha degmada Maxaas

Kulan looga hadlayo xaaladda abaaraha iyo Gurmadka ay wado dowladda federaalka ayaa dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Xamza Cabdi Barre, Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha iyo qaar ka mida Ganacsatada Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa looga hadlayay sidii loo dardargelin lahaa hawsha gurmadka abaaraha, waxaana wasaaradda Arrimaha gudaha ay kusoo bandhigtay waxqabadka Guddiga Guddiga Qaran ee la magacaabay 17 bishii Agoosto iyo gurmadka la sameeyay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in 23 Agost loo diray deeq dhan 26 tan oo cunto ah magaalooyinka Beledweyne iyo Buulo Burde. Wuxuu kaloo shaaciyey in 25 Agost ay Dowladda Soomaaliya guddoonsiisay bulshada degmada Maxaas lacag dhan $75,000 oo loogu talo galay in lagu dayactiro ceelasha biyaha ee degmada ku yaalla, halka 4 Sebtember deeq dhan 20 tan oo cunto ah loo diray magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur.

Ad

Ganacsatada kulanka ka hadashay ayaa iyaguna sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan abaabulka bulshada iyo dhinaca dhaqaalaha wax loogu qabanayo shacabka dhibaateeysan.

Ra’iisul Wasaare Xamse, oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in xukuumaddu iyada oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed ay xoogga sii saari doonto dhammaan deegaannada abaartu aadka u saameysay si degdeg wax loogu qabto shacabka tabaaleysan

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON