Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii kooxda Xuuthiyiinta Yeman ku qaadeen magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta.
Qoraal uu soo saaray Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumada Xilgaarsiinta Soomaaliya CabdiSiciid Muuse Cali ayaa lagu sheegay in isagoo ku hadlaya magaca dowladda Federaalka uu tacsi u dirayo dadkii weerarka wax ku noqday.
“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarkii argagixisanimo ee maanta ka dhacay AbuDhabi. Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadkii dhintay & qoysaskooda” ayuu farriintiisa ku yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa weerarka kooxda Xuuthiyiinta Yeman ku tilmaamay Fal argagixisanimo oo khatar weyn ku ah gobolka Amniga Caalamiga ah. “Waxaan la garab taagannahay shacabka Imaaraadka Carabta” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya.
