Friday, March 28, 2025

Xukuumadda Somaliya oo Mamnuucday faafinta Farriimaha Alshabaab iyo xarumo la xiray

Wasaaradda Wrfaafinta Xukuumadda Federaalka ayaa amarro cusub kasoo saartay faafinta wararka Alshabaab ee Baraha bulshada iyo Warbaahinta, iyadoo la xiray baro ay ku lahaayeen warbaahinta bulshada.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Al-cadaalla oo shir jaraa’id qabtay Goor dhow ayaa sheegay inay Denbi tahay faafinta farriimaha Alshabaab, isa markaana tallaabo laga qaadi doono ciddii ay Alshabaab soo dhex marsiiyaan fekerkooda.

“Waddankaan lagama ogola inaad Alshabaab dadka u argagax geliso oo farriimahooda usoo qaado iyo inaad u baahiso farriimaha ay dadka u qoranayaan.. Haddii aad faafiso farriin Alshabaab tallaabo ayaa lagaa qaadayaa.. Culeyska ugu badani wuxuu ka jiraa Baraha bulshada..” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta.

Ad

Wuxuu sheegay in la xiray ilaa 46 bar oo Internet-ka ah oo faafinayey farriimaha Alshabaab, isla markaana sharciga lala tiigsan doono ciddii lagu helo inay farrimaha Alshabaab faafineyso.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa sheegay inuu socdo howlgal xoog leh oo lagu xirayo baraha bulshada ee ay leeyihiin Argagxisada, sida website-yada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON