Friday, June 13, 2025

Xukuumadda Somalia oo Wasiirada Amniga iyo Waxbarashada u dirtay Jowhar [Ujeedada Socdaalkooda]

Xukuumadda Soomaaliya ayaa magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle u dirtay wafdi ay hoggaaminayaan wasiiro ka soo jeeda maamulkaasi.

Wafdiga waxaa horkacaya Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow waxaana ka mida Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre, waxayna goor dhoweyd ka degaeen magaalada Jowhar, iyagoo kulamo la qaadan doona madaxda maamulka Hirshabelle.

Ujeedada socdaalka labada wasiir ayaa lagu sheegay inay la xiriirto Imtixaamka Shahaadiga Dowladda Qaran oo Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ay joojisay markii uu dibadda u baxay, waxaana arrintaasi ka how yimid Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo degaanada maamulkiisa ka saaray saraakiishii imtixaanka ee Wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya.

Ad

Labada wasiir ahaa kasoo jeeda Hirshabeelle, waxaana la filayaa in heshiis laga gaaro arrinta ka dhalatay imtixaanka dowladda oo salka ku heysa arrimo siyaasadeed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON