Ra’iisal Wasaaraaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la yeeshay Wasiirrada kalluumeysiga ee Dowlad goboleedyada dalka oo shir uga socday magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa looga hadlayey arrimaha kalluumeysiga iyo sidii maamul Goboleedyada loogu qancin lahaa heshiis ay gashay dowladda Soomaaliya oo shirkado Shiinees ah ay ku siisay ruqsad kalluumeysi, iyadoo maamul Goboleedyada aan laga talo gelin, taaso keenay in lacag gaareys 1 Milyan oo Doolar oo laga helay heshiiskaasi aan la qeybin.
Wasaaradda Kaluumeysiga xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay inay shirar Muqdisho uga socdeen Wasaaradiisa iyo Wasiirada maamul Goboleedyada ayna ka wadahadleen dhismaha guddiga Kalluumaysatada Soomaaliyeed iyo samaynta suuqya kalluumaysi oo casri ah.
Heshiiska Kalluumeysi ee shirkado Shiinees ah ay u saxiixday dowladda Soomaaliya ayaa walaac badan laga muujiyey, waxaana laga digay dhibaato ku imaan karta kheyraadka dalka iyo saameynta kalluumeysatada Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ugu baaqay wasiirada maamul Goboleedyada in wadar oggol ah looga faa’iidaysto kalluumaysiga oo kamid ah khayraadka dalka.



