Xukuumadda Soomaaliya ayaa maamul cusub u magacawday Golaha Murtida iyo Madadaallda ee Tiyaatarka Qaranka oo muddo dheer howlgab ahaa kuna burburay dagaaladii sokeeye.
Sii-hayaha xilka Wasiirka wasaaradda warfaafinta ahna wasiir ku xigeeenka Wasaaradaasi C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa shaaciyey in Maareeyaha cusub ee Goloha Murtida Iyo Wacyigelinta loo magacaabay Abwaan Cusmaan Cabdulaahi Guure, iyadoo Maareeye ku xigeen loo magacaabay Cabdikariim Faarax Qaareey.
Wuxuu intaas ku daray in magacii ahaa Golaha Murtida & Madaaladda loo bedelay: Golaha Murtida iyo Wacyigelinta, waxaana xilkii sidaasi looga qaaday Abwaan Cabdi-dhuux Yuusuf oo muddo dheer ku magacawnaa Mareeyayaashii hore ee Golaha Murtida iyo Madadaalada.
Agaasimaha cusub ee loo magacaabay Tiyaatarka ayaa hadda ahaa agaasimaha Idaacadda gaarka loo leeyahay ee Kulmiye, iyadoo aan la shaacin inuu ka tegay xilkaasi iyo in kale.