Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay magacyada Soomaali ka mid ahaa tahriibayaasha meydkooda laga helay xuduudka dalalka Giriiga iyo Turkiga ee Qabowga u dhintay.
Dadkaasi waxaa ku jiray shan qof oo Soomaali ah. “Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga xumaatay dhacdadii naxdinta lahayd ee soo gaartay shaqsiyaadkii aan u baroordiiqnay todobaadkan. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen dhibanayaasha soo socda”:
1- Cabdi Mahdi Cali
2- Yaxye Jamaal Muumin
3- Abuubakar Axmed Ibraahim
4- Naasir Sulemaan Xasan
5- Najax Cabdi Axmed
Wasaaradda Arrimaha dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u soo jeedisay dalalka ay khuseyso iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR inay si degdeg ah u daba galaan oo ay baaritaan ku sameeyaan xaaladdaha ku xeeran dhimashada muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Waxay si kulul u cambaareysay xadgudubyada ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha, karaamada Aadanaha iyo Badbaadada nolosha bini’aadamka iyadoo la raacayo Axdiga 1951 ee laxiriira Xaalada Qaxootiga iyo Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka.
