Saturday, February 24, 2024

Xukuumadda oo joojisay Mashruuc Dood ah oo loo qaban lahaa Musharixiinta Madaxweynaha

Wasaaradda warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa soo saartay amar lagu joojinayo Dood qaab mashruuc ah loo abaabulay oo loo qaban lahaa musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.

Dooda oo la sheegay inay qabanqaabisay Hay’ad aan la aqoon oo la baxday Somali Debates ayaa Qoraal kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta lagu sheegay in hay’adda dooda qabaneysa aysan heysan  ruqsad iyo sharciyad ah oo ay ku qabato dooda Warbaahineed.

Wasaaradda Wartaafinta ayaa uga digtay inay hay’adaasi ka waantowdo falalka noocaas oo kale ah sidoo kale saaxiibada Caalamka oo ay ugu horeeyaan ATMIS iyo UNSOM waxaa loogu baaqay inaysanv kala shaqeyn  howlaha Warbaahinta cid aan  fasax ka wadan Wasaarada Warfaafinta.

Ad

Wasaaradda Warfaafinta ayaa ku wargelisay Hay’adaha amniga iyo Booliska Gobolka Banaadir in ay ka gutaan waajibkooda shago lagana joojiyo Barnaamijyadaas ay wadaan ilaaa inta ay kahelayaan sharci ay wax ku tebin karaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON