Kadib heshiis milateri oo dhex maray xukuumadda caalamku aqoonsan yahay ee Liibiya iyo dowladda Turkiga ayaa xukuumadda Liibiya ay ka dalbatay Turkiga inuu taageero milateri oo Dhuka, Badda iyo Cirka ah siiyo, si ay isaga difaacaan Jeneraalka hoggaamiya jabhadda ugu weyn dalkaasi oo duullaan ku ah caasimadda Liibiya ee Triboli.
Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan oo socdaal oo la sii shaacin oo degdeg ahaa ku tegay dalka Tunisa ayaa shaaciyey in baarlamanka dalka Turkiga uu bisha Janaayo 2020 u codeyn doono mooshin ciidamo Turki ah loogu dirayo dalka Liibiya, iyadoo la filayo inuu ogolaado ciidamo loo diro Liibiya.
Madaxweyne Erdogan ayaa Arbacadii booqasho aan la shacain ku tagay dalka Tunisia, isaga oo uu wehliyo wasiirka gaashaandhigga iyo madaxa sirdoonka dalkaas, halkaasi oo ay ku yeesheen wada-xaajoodyo ku saabsan sidii xabad joojin looga hirgelin lahaa Libya.
Warka Madaxweyne Erdogan ayaa yimid kadib markii baarlamanka Turkiga uu Sabtidii toddobaadkan meel-mariyey heshiis wada-shaqeyn militari iyo mid amni ah oo ay gaareen dowladaha Turkiga iyo xukuumadda Libya ee ra’iisul wasaare Fayez al-Sarraj, laakiin in ciidamo lugta ah oo dagaalama loo diro dal kale ayaa u baahan mooshin kale.
Xukuumadda Liibiya ayaa waxaa taageera dalal ay ka mid yihiin Turkiga iyo Qatar, halka Jeneraalka ka horjeeda ee Khaliifa Haftar ay taageerayaan dalalka Imaaraadka, Masar, Sacuudiga iyo Ruushka si toos ah ugu biiray dhowaan.
Dowladda fadhigeedu yahay magaalada caasimadda ah ee Tripoli ayaa wajaheysa dagaalkii labaad ee ugu weyn oo uu ku wado Jeneral Khalifa Haftar oo doonaya inuu qabsado caasimadda dalkaasi ee fadhiga u ah xukuumadda.