Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Darajada Koowaad ayaa maanta la soo taagay eedeysanayaal ka tirsan Alshabaab oo lagu soo eedeeyay sameynta Qaraxyada, kuwaasoo dhowaan laga soo qabtay degaanka Ceelasha Biyaha.
Xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa u soo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida eedaha loo heysto saddex eedeysane oo kala ah: Maxammed Cabdiraxmaan Maxmuud, Jamaal Maxammed Cali Cabdi iyo Axmed Aadan weerar Dhagaxow, eedahaas oo ah Shabaabnimo iyo farsameynta Qaraxyada loo dhigo ciidamada Qalabka sida.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajadda 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ka dalbaday xafiiska xeer ilaalinta inay keenaan baaraha kiiskan, si su’aalo loo weydiiyo, waxayna fursad u heleen Qareenada in ay su’aalo weydiiyaan baaraha kiiskan.
Xafiiska xeer ilaalinta ayaa sidoo kale soo bandhigay sawirro laga soo qaaday agab lagu farsameyn jiray qaraxyada oo lagu soo qabtay saddexda eedeysane, iyadoo qalabkaasi la hor keeni waayay maxkamadda arrimo amaan dartood. Waxayn xeer ilaalinta codsatay in kiiskan lasoo gabagabeeyo oo la xukumo eedeysanayaasha.
Qareenada difaacayay eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo naxariisto eedeysanayaasha, loonna qafiifiyo xukunka maadaama aan lagu heyn dhibaato ay geysteen.
Fadhi kale oo maxkamaddu yeelan doonto ayaa la filayaa in lagu xukumo raggan iyadoo maxkamadda ciidamada Qalabka sida ay xabsiyo dhaadheer ku riday eedeysanayaal noocan oo kale ahaa.