Ciidamada Danab ee ka howlgala Jubbooyinka ayaa howlgal ku dilay xubno ka mida Alshabaab, kadib weerar ay ku qaadeen degaanka Jannaay Cabdalla ee duleedka magaalada Kismaayo.
Maleeshiyada Alshabaab ee la beegsaday ayaa la sheegay inay qorsheynayeen weerar ay ku qaadaan ciidmada dowladda ee ku sugan degaanka Janaay-Cabdalle, iyadoo qasaare lagu gaarsiiyey Alshabaab.
7 xubnood oo ka mida Alshabaab ayaa lagu dilay weerarka Jannaay Cabdalla, sida uu sheegay Carab Dheeg Axmed oo ah Taliyaha Ururka 5-aad, Guutada 16-aad ee ciidamada Danab, laguna dhaawacay tiro intaas ka badan.
Howlgalkan ayaa ka dhacay Tuulada Kuuba-Kabir oo u dhow deegaanka Jannaay Cabdalle, gobolka Jubbada hoose, halka Al-shabaab ay guulo ka sheegatay iska hor imaadka ka dhacay halkaasi.