Laba Nin oo hore loogu helay inay ka tirsanaayeen Alshabaab ayaa mar labaad lagu xukumay Dil Toogasho ah, iyagoo la sheegay inay dilal qorsheysan ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo, Galmudug.
Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) ayaa ka mid ahaay koox ka kooban Lix ruux oo dilalka gaadmada ah iyo qaraxyada ka fulisa magaalada Gaalkacyo.
Maxkamadda Sare ee Ciidamadda ayey Rafcaank u qaateen, kadib qareenada u doodayey oo dadaal u galay in laga yareeyo xukunka dilka ee ay ku riday Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada, iyadoo dacwadooda ay furantay 24-tii bisha September.
Mar kale ayaa xukunlii Toogashada ahaa ay Maxkamadda Sare ku xukuntay eedeysane Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) ayaa ku eedeeyay dilka Marxuum Maxamed Jaamac Maxamed (Cagabiyood) iyo Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) oo ahaa horjoogihii shabakad oo lagu soo eedeeyay dilka marxuumiinta kala ah Cabdi Aadan Siyaad (Cabdi Dheere) iyo Cilmi Cali Guuleed.
Labadan nin ayaa la soo qabtay 17-kii bishii April 2023, kadib howlgal ka danbeeyay Qarax ay la beegsadeen gaari Cabdi Bille ah oo ay lee yiihiin kumaandooska xoogga dalka ee Danab.
Jeneraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida ayaa shaaciyay in xukun Dil ah lagu riday labada eedeysane, kaaso ay hore ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda.