Waxaa magaalada Muqdisho maanta ku geeriyooday Allaha u Naxariistee Gen. Cabdulqadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ka mida ahaa saraakiishii caanka ahayd ee ciidamada xoogga dalka.
Geerida Jeneraalka waxaa tacsi u diray Ra’iisal wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kala duwan oo ka hadlay kaalintii uu kasoo qaatay Xoogga Dalka, isagoo ka mida ahaa aasaasayaashii ciidamada Asluubta.
Jeneraalka ayaa ka mid ahaa la-taliyeyaashii madaxdii dalka soo maamushay dagaaladii sokeeya kadib, waxaaa dood uu ka qeyb galay looga reebay xog muhiim ah oo ku saabsan arrimo uu u soo joogay, isagoo sheegay in Soomaaliya la isku heysto ee aanay is heysan.
AUN Jen. Subxaanyo ayaa ka warramay dhacdooyin dhowr oo uu xog ahaan u hayey, kuna saabsan in Soomaaliya ay dusha ka heystaan dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska, isla markaana ciddii isku dayda inay wax ka qabato ama xaliso arrimaheeda ay dalalkaasi ka hortegayaan.
HOOS KA DAAWO