Tuesday, October 3, 2023

Xogta Qarixii Kuliyyada Jaalle Siyaad (100 Askari oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday)

Warar dheeraad ah ayaa kazoo kordhay Qaraxii is-miidaamin ahaa ee  ayaa saaka ka dhacay Kulliyada Jaalle Siyaad oo ah xarunta ciidamada 14- Oktoobar ee Milateriga Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa Is-miidaamin ayaa waxa fuliyay qof Jaakadda Qaraxa xirnaa oo Xerada gudaha u galay isagoo iska dhigay Askari ka mida ciidamada, kadibna isku dhex qarxiyay askarta oo saf ku jirtay sida ay sheegeen saraakiil goobjoogayaal ah.

Alshabaab ayaa si degdega u sheegatay Qaraxa, waxayna bayaan ay soo saartay ku caddeysay inuu fuliyay mid ka mida dagaalyahanadeeda is-miidaamiyeyaasha ah.  Alshabaab waxay sheegatay inay Qaraxa ku dishay 73 skari, kuna dhaawacday 124 kale, balse ma jirto cid xaqiijisay sheegashadaasi.

Ad

Xogta laga helay saraakiisha ciidamada ayaa sheegeysa in Qaraxa ay ku dhinteen 25 askari, kuna dhaawacmeen 70 kale oo 20 ka mida uu dhaawacooda halis yahay.

Waalidiinta iyo Eheladda ciidamada dowladda ee waxyeelada kasoo gaartay Qarixii maanta ayaa buux dhaafiyay isbtiaallada, iyadoo xaalad murugo iyo naxdin ay ka muuqato, waxayna su’aalo badan ka dhasheen sida ay Alshabaab ugu suuragashay inay ku galaan oo isku qarxiyaan gudaha Kulliyada Jaalle Siyaad.

Dowladda Soomaaliya iyo Taliska Milateriga ayaa ka gaabsaday qaraxa saameynta weyn reebay, waxaase ka hadlay Gudoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaano, halka Ra’iisal wasaare Xamsa Cabdi Barre uu dalka ka dhoofay xilli uu Madaxweynaha isna ku maqan yahay dalka Talyaaniga.

- Advertisement -

Alshabaab ayaa dhowaanahan bedeshay weerarradii ay ka geysan jirtay caasimadda Muqdisho, iyadoo qaraxyadii waaweynaa Gaadiidka loo adeegsan jiray ku bedeshay shaqsiyaad is-miidaamiyeyaal ah oo weerarro toos ah geysanaya, mana muuqato qaab lagula tacaalayo arrintan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,982FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!