Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ku guuleystay inuu Baarlamaanka dakiisa ka ansixiyo Mooshin u ogolaanaya inuu ciidamada Turkiga u diro Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa daba socota heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah oo ay wada saxiixdeen dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya bishii Febraayo 2024, kaasoo aan la shaacin, balse ujeeddadiisu ahaa in lagu xoojiyo awoodda difaaca badda Soomaaliya iyo in la dhiso ciidamada Badda Soomaaiya.
Heshiiska Qarsoodiga ee difaaca iyo dhaqaalaha Somaliya iyo Turkiga ayaa yimid kadib heshiiskii Itoobiya ay la gashay maamulka Somaliland bishii Janaayo 2024, heshiiskaas oo dowladda Somaliya ay ka hor timid.
Madaxweynaha Turkiga ayaa hadda heysta 2 sano oo la cusbooneysiin karo, isagoo awood u leh inuu Soomaaliya u diro Ciidamada dalkaasi oo u badan kuwa Badda ee maraakiibta dagaalka wata.
Howsha ciidamada Turkiga ee Soomaaliya imaanaya ayaa la sheegay inay noqon doonto ilaalinta maraakiibta Turkiga TPAO ee howlaha qodista shidaalka ka sameyn doona Badda Soomaaliya.
Arrimahan oo dhan waxan imaanayaan iyadoo Wasiirada Tamarta ee Turkiga, Alparslan Bayraktar iyo dhiggiisa Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ay kala saxiixdeen heshiis sahaminta iyo soo saarista Shidaal, heshiiskaas oo ka dhacay magaalada Istanbul.
Heshiiskan ayaa u fasaxaya shirkadda dawladda Turkiga ee TPAO in ay hawlo shidaal baadhis ah ka samayso saddex baloog oo kala duwan oo ku yaalla dhulka badda Soomaaliya.
Sida ku cad mooshinkan uu Baarlamaanka Turkigu ansixiyay ayaa lagu sheegay in taageerada milateri ee Turkiga ay ka mid tahay Dagaalka argagixisada, Burcad badeedda, kalluumeysiga sharci darrada ah, tahriibinta, iyo khataraha kale.
Waxaa xusid mudan in Baarlamaanka Soomaaliya uu si rasmi ah u ansixisay heshiiska, iyadoo aan la hor keenin, lagana doodin heshiiska. Sidoo kale lama horgeyn Baarlamaanka Turkiga oo kaliya ansixiyay Mooshin ciidamo geynta Soomaaliya.
Qoraal la socda mooshinka Madaxweynaha Turkiga ka ansixiyay Baarlamaanka Turkiga ayaa sheegaya in daabulidda ciidamada Turkiga ay la kaashan doonaan madaxda Soomaaliya, ayna ka howlgeli doonaan aagagga badda Soomaaliya.