Friday, March 28, 2025

Xoghayihii Madaxweyne Farmaajo oo shaqada laga fariisiyay & Villa Somalia oo ku jirta..

Wararka laga helay madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in shaqadii laga joojiyayXogheyntii Madaxweyne Farmaajo.

Xogheyta madaxweynaha Xabiib Maxamed Cigaal ayaa la sheegay in shaqada uu ka fariisiyay agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin arrin ka dhalatay khilaaf labada nin soo kala dhex galay.

Khilaafka labada nin ayaa la sheegay inuu xalin waayay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo markii danbe keentay inuu xoghayihii madaxweynaha ka dhoofo magaalada Muqdisho.

Ad

Fahad Yaasiin ayaa tan iyo intii uu madaxtooyada agaasimaha ka noqday wuxuu shaqada ka eryay in ku dhow 15 xubnood oo isugu jiray shaqaalihii hab-maamuuska, saraakiil iyo xubno uu ugu danbeeyay xoghaye Xabiib. Waxaa kaloo shaqada uu ka eryay kaaliyihii hore ee Farmaajo ee Maxamed C/llaahi (Maxamed Dheere).

Madaxweyne Farmaajo oo muddo saddex bilood ah oo uu xilka hayay Villa Somalia u magacabaay saddex agaasime, waxayna ku jirtaa madaxtooyada deganaansho la’aan joogto noqotay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON