Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki ayaa baaq wadajir ah kasoo saaray xaaladda dalka iyo khilaafka Doorsahooyinka.
Sida uu shaaciyey xafiiska Q/Midoobay ayaa qoraalkooda ku bogaadiyey Dadka iyo hoggaamiyeyaasha Soomaaliya horumarka laga gaaray soo kabashada dalka iyo sida dadka Soomaaliyeed ugu go’an tahay nabad iyo barwaaqo waarta.
“Guddoomiyaha iyo xoghayaha guud waxay ugu baaqayaan hoggaamiyaasha Soomaalida inay dib u bilaabaan wadahadalada, kuna shaqeeyaan niyad wadar-ogol ah si looga gudbo caqabadaha siyaasadeed ee ugu danbeeya ee hortagan Doorashooyin loo dhan yahay; sida ugu dhaqsaha badan, ayna uguna ixtiraamaan heshiiskii Doorashda 17kii Sebtember 2020.” ayaa lagu yiri baaqa wadajirka ah ee Madaxda UN-ka iyo Midowga Afrika.
Waxay intaas ku dareen inay ka go’an tahay sii wadidda taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed si ay u gaaraan nabad iy barwaaqo.
