Sunday, April 27, 2025

Xoghayaha Dibadda Ingiriiska oo si fowdo & sharaf darro ah loogu soo dhoweeyay Muqdisho [Maxaa dhacay..?]

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ingiriiska Boris Johnson ayaa booqasho maalin ah maanta ku yimid magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Imaanshaha Wasiirka oo qarsoodi ahayd ayaa si lama filaan waxaa fowdo iyo isku dhex yaac ay uga abuurtay  nidaamkii soo dhoweynta, taasoo keentay inay fadeexad ka dhacdo soo dhoweynta wasiirka.

Nidaamka ayaa ahaa in Wasiir Boris Johnson ay soo dhaweeyaan Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya balse waxaa dhacday inaysan madaxtooyada ku soo wargelin safarka wasiirka Wasaaradii howshaas ku shaqada lahayd. Waxaa la yaab lahayd in Wasiirka arrimaha dibadd UK ay garoonka diyaaradaha Adden Cade ku soo dhoweeyeen Ilaalada Safaarada Ingiriiska ee Mogadishu iyo shaqaalaha Garoonka diyaaradaha ee Addan Cade oo uu horkacayo Saacid Celiye oo u qaabilsan garoonka arrimaha amniga.

Ad

Waxaa sharafdarro ku ah dowlada Soomaaliya iyadoo leh Wasaarad arrimo Dibaddeed in shaqaalaha garoonka Adden Cade soo dhaweeyaan masuuliyiin heer wasiir ah oo weliba ka mida dalalka waaweyn ee ka mida Midowga Yurub iyo Golaha Ammaanka ee Q/Midoobay.

Diblomaasiyiin aan la xiriirnay ayaa sheegay in arrintan ay dhaawac ku tahay soo nooleynta dowladnimada iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda Soomaaliyeed oo ku jira xilli kala guur ah, balse ku darsaday nidaam darro.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay fadeexadan saaka ka dhacday booqashadii xoghayaha arrimaha dibadda Ingiriiska ay faahfaahin ka bixiso.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON