Wednesday, February 19, 2025

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo si buuxda u taageeray RW Rooble, kana hor yimid…

Xoghayaha arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka, Antony Blinken ayaa si buuxda u taageeray Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo khilaaf kala dhaxeeyo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Mareykanka ayaa mowqifkiisa caddeeyay kadib wadahadal dhex maray madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo xoghayaha Arribaha dibadda Mareykanka, kana wada hadlay arrimaha amniga ee Geeska Afrika oo ay kamid yihiin xaaladaha dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Antony Blinken wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sidii madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedayada ay si deg deg ah ugu soo afjari lahaayeen doorashada.

Ad

Wuxuu sidoo kale sheegay inay ka wadahadleen sidii Soomaaliya looga qaban lahaa “doorasho xor ah”. Kenya ayaa muddooyinkan danbe noqtay dalka uu Geeska Afrika kala hadlo xaaladda Gobolka.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa shaacisay in Xoghayuhu waxa uu caddeeyay in Maraykanka ay kasoo horjeedaan isku daygii lagu doonayay in lagu hakiyo Ra’iisal Wasaare Rooble, ayna qaateenin dhammaan dhinacyada ay khusayso ay ka waantoobaan ficilada iyo hadalada sii kicinaya.

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ee uu muddo xileedkiisu dhammaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan sheegay inuu Ra’iisawasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo hormuud u ahaa howlaha doorashada uu shaqada ka joojiyey kaddib markii uu soo galay “tuhun Musuqmaasuq iyo ku Takrifal Awoodeed”, taasoo shaqeyn weyday.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON