Sunday, December 8, 2024

Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka oo 3 Qodob kala hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony J. Blinken ayaa khadka Telefoonka wadahadal kula yeeshay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

War uu soo saaray Xoghaye Blinken ayu ku sheega inuua ugu hambalyeeyay doorashadiisa, ayna isla soo qaadeen kdanaha aan wadaagaan ee ku saabsanan taageeridda Soomaaliya oo ku socota waddada dimuqraadiyadda iyo xasilloonida.

Arrimaha ay sida gaarka ah uga hadleen, waxaa ka mida:

Ad

1- Muhiimadda ay leedahay dib u heshiisiin siyaasadeed

2-Horumarinta ciidamo amni oo la wareegi kara mas’uuliyadda howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ATMIS.

3- Iyo dib u habeynta dhaqaalaha ee lagama maarmaanka u ah dhameystirka waddada Soomaaliya ee deyn cafinta.

- Advertisement -

Isagoo xusaya go’aankii dhawaan Madaxweyne Biden uu ku sheegay in ciidamada Mareykanka ay dib ugu soo celinayaan Soomaaliya si joogta ah, xoghayuhu wuxuu u gudbiyay Mareykanka taageerada joogtada ah ee dadaalka ay Soomaaliya iyo Midowga Afrika ugu jiraan la dagaalanka khatarta kooxaha argagixisada ah.

 Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Antony J. Blinken iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Arbacadii shalay waxay ku wadahadleen khadka isgaadhsiinta, iyadoo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanku ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka Ned Price ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobada ay ka wadahadleen xoghayaha arrimaha debedda Maraykanka iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa yiri: “Go’aankii dhawaan Madaxweyne Biden uu ku sheegay in si joogto ah Soomaaliya dib loogu celiyo ciidamada Maraykanka, xoghayuhu wuxuu u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya taageerada joogtada ah ee Maraykanka ee dadaalka ay dowladda Soomaaliya iyo ururka Midowga Afrika ugu jiraan la dagaalanka khatarta kooxaha argagixisada ah.”

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON