Waxaa soo shaac baxay khilaaf u dhaxeeya Guddiga Doorashada Heer Federaal, kadib markii uu shalay soo saaray Habraaca Doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka, kaasoo awoodda soo xulista xildhibaannada siinaya Odayasha Dhaqanka iyo ururada Bulshada.
Ilaa hadda waxaa saxaafadda laba xubnood oo ka mida Guddiga, kuwaas oo sheegay inaysan raacsaneyn Habraaca soo baxay, waxaana xubnahaasi ka hor baraha bulshada lagu arkay qoraalo kasoo baxay xubno ka mida Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo diidan Habraaca Guddiga Doorashada ee Heer Federaal.
Xogta la helay ayaa sheegaysa madaxda maamul Goboleedyada ay doonayaan inay iyagu maamulaan Doorashada Golaha shacabka, ayna saameyn ku leeyihiin Guddiga Doorashada, laakiin Maamul Goboleedyada sida weyn uga dambeeyay khilaafka Guddiga Doorashada laga dhex abuuray inay ugu horeeyaan Puntland iyo Jubbaland oo doonaya inay awood weyn ku lahaadaan soo xulista ergooyinka soo dooranaya xildhibaannada Golaha shacabka iyo guud ahaan Doorashada.
Madaxweynayaasha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa la sheegay in faragelin ku hayaan Guddiga Doorashada Heer Federaalka, iyagoo u soo maraya xubnaha ugu jira ee ay soo magacaabeen, si ay awood ugu yeeshaan Doorashada Golaha Shacabka.
Inta badan xubnaha Guddiga Doorashada ee heer Federaal ayaa doonaya inuu Guddigu noqdo mid madax bannaan, isla markaana aysan doorashada Golaha shacabka la mid noqon soo xulistii Aqalka Sare ee ay gacanta ku hayeen Maamul Goboleedyada, laakiin waxay wajahayaan xubno ka tirsan Golaha oo ku xiran madaxda maamul Goboleedyada ee soo magacaabay.
Siciid Abshir oo ka mid ah xubna diidan soo saarista Habraaca Doorashada ayaa ku dooday in qaar kamid ah xubnaha guddiga ay ku kala maqnaayeen magaalooyinka Garowe iyo Baydhabo isla markaana aan laga talo-gelin habraaca.
“Ma diidanin habraaca ee waxaan diiddanahay in habraac aan waqtigiisa joogin si khaldan loo soo gudbiyo. Marka inaan sugno shirka uu ra’iisal wasaaraha shaaciyey oo aan ku shaqeyno habraaca ka soo baxay waa wixii guddiga loo sameeyay,” ayuu yiri Siciid Abshir oo si cad u sheegay inay ku shaqeynayaan Habraac ka yimaada Golaha Wadatashiga.
Sidoo kale Cabdi Xiis Udan oo ah guddoomiyaha maaliyadda guddiga doorashada heer federaal , kana soo galay Jubbaland ayaa warqad uu soo saaray isna ku diiday go’aanka guddiga, wuxuuna sheegay in laga hordhacay go’aankii golaha wadatashiga Qaranka ee ku aaddan arrimaha habraaca ku xusan.

