Saturday, April 19, 2025

XOG: Xildhibaano Mooshin u diyaarinaya Agaasimaha NISA Sanbaloolshe

Qaar ka mida xildhibaanada Beelaha Soomaalida ayaa wada qorshe Baarlamaanka ugu yeerayo  taliyaha Hay’adda Nabadsugidda yo sirdoonka ee NISA.

Xildhibaanadan ayaa dalabkoodu yahay inuu taliyaha NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe  ka jawaabo su’aalo ku saabsan fasir uu ka bixiyay xasaanadda xildhibaanada Golaha Shacabka mar uu ka hadlay iska hor imaad ka dhacay Muqdisho.

Sanbloolshe oo u jawaabay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa sheegay in mas’uuliyiinta qaarkood ay u arkaan inay xasaanad uga ganban karaan denbiyo ay galayaan oo sida uu sheegay ay ka mid tahay kicinta dadka.

Ad

Hadallo kulul oo hanjabaad ka mid tahay ayay is weydaarsadeen Xildhibaan Mahad Salaad iyo Taliyaha NISA, waxaana arrintaasi ay xildhibaano badan u arkaan inay halis ku tahay ammaankooda.

Hore ayay Sanbaloolshe iyo xukuumadii C/weli Sheekh isugu dhaceen, kadib markii uu xiray xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, taasoo markii danbe keentay inuu xilkiisa ku waayo.

Goobjooge

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON