Waxaa sii kordhaya tartanka loogu jiro xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo uu dhowaan ka geeriyooday Marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow), iyadoo ay hadda ku soo biireen agaasimeyaal xilal ka haya dowladda iyo xildhibaanno ku jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xilkan oo ah kan kaliya ee uu toos u magacaabo Madaxweynaha Soomaaliya, taasoo ay ugu wacan tahay in Gobolka Banaadir aysan lahayn Gole degaan iyo qaab kale oo ay dadka degan ku doortan madaxdooda ayaa keentay in xilalka sare ee maamulka Lagu soo xulo rabitaanka Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha markaasi xilka haya.
Hore waxaanu u shaacinay xubno kala duwan oo xilkan u sharxan ayna kala wataan siyaasiyiin kala duwan oo galaangal ku leh madaxda sare [HALKAN KA AKHRISO], laakiin waxaa raadinta xilkan kusoo biiray xildhibaan iyo agaasimeyaal doonaya in loo magacaabo, iyadoo sii adkeysay loolanka loogu jiro guddoomiyaha G/Banadir oo ah xil muhiim ah oo lagu xisaabtamo marka ay timaado jago ahaan iyo dhaqaale ahaan. Xubnaha cusub ee xilkan u xusul duubaya waxaa ka mida:
1- Agaasime Cali Gacal Gaabow
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada, wuxuu ka mid yahay xubnaha doonaya in xilkan loo magacaabo, wuxuuna taageero ka heystaa agaasimeyaal kale oo dowladda ku jira iyo shaqsiyaad siyaasiyiin iyo xildhibaanno ah, isagoo ku beel ah guddoomiyihii geeriyooday. Waa nin maamul dowladeed soo maray oo qaban kara xilkan, laakiin waxaa aad u yar taageerada uu ka heli karo madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.
2- Xildhibaan C/qaadir Carrabow Ibraahim
Xildhibaankan oo ka mida kuwa ugu da’da yar Baarlamaanka ayaa hore u soo ahaa xubin ka tirsan NISA, waxayna dadka qaarkii ku eedeeyeen inuu ololaha xilkan galay xilli hore oo aan munaasib ahayn, laakiin waxaa la xaqiijiyey inuu ololihiisa u sheegtay madaxda sare, isagoo ka mida xubnaha taageera madaxweyne Farmaajo, waxaase caqabad ku noqon doona xilka uu hayo iyo isagoon taageero weyn ka heysan siyaasiyiinta iyo odayaasha beesha uu kasoo jeedo.
3- Cabdi Jiinow Calasow
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sh/Dhexe iyo maareyihii Dekadda Muqdisho oo dowladii hore ay u magacawday xilka Maareeyaha Guud ee Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo kalluumeysiga, ayaa ka mid noqday xubnaha ololaha ugu jira xilkan, waxaana sida caadadda ah ku taageersan la-taliyaha Madaxweynaha Cali Maxamed Geedi iyo xubno kale, waana nin mar waliba u sharxan xil kasta oo bannaanaada, laakiin rajadiisa ayaa ah mid aad u hooseysa, taasoo ay ugu wacan tahay awood qeybsiga beelaha.
XUBNAHA KALE EE OLOLAHA UGU JIRA XILKA GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR HOOS KA AKHRISO