Monday, February 10, 2025

XOG: Xasan Sheekh oo Wasiiradii Beesha Hawiye siiyay Siyaasiyiinta ka tirsan Xisbigiisa

Iyadoo uu gabagabo yahay liiska Golaha Wasiirada cusub ee xukuumadda Xamsa Cabdi Barre ayaa xogta la helay ay sheegeysaa in dhammaan Wasiiradii Beesha Hawiye la siiyey xubno kasoo jeeda xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee UPD.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xulay inta badan Golaha Wasiirada cusub, waxaana siyaasiyiin la kulmay oo ay ka mid yihiin xubnihii Midowga Musharixiinta ee ka taageeray in dib loo doorto uu u sheegay inuu soo xuli doono wasiiro uu si buuxda aqoon ugu leeyahay, kuna kalsoon yahay.

Wasiirada Beesha Hawiye ee Madaxweynuhu kasoo jeedo ayaa la xaqiijiyey inuu kasoo xulay xisbigiisa, waxayna kala yihiin:

Ad

1- Axmed Macalin Fiqi: Waxaa la siiyey Wasiir beesha H/Gidir ee uu kasoo jeedo, waxaana xilkan sidoo kale olole ugu jiray Abshir Bukhaari, balse xil kale loo raadinayo, markii ay suuragal noqon weyday in beesha labadan siyaasi ay hesho laba wasiir.

2- Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed: Waxaa la siiyey Kursiga wasiir ee beesha Xawaadle, iyadoo uu isla kursigan raadinayey C/llaahi Sanbaloolshe, laakiin Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u janjeersaday dhinaca xildhibaan C/risaaq.

3- Xasan Macaliln: Waxaa uu qaadanayaa wasiirka Beesha Murusade, waana dooqa koowaad ee Madaxweynaha, iyadoo ay meesha ka baxeen musharixiin kale ee ololaha ku jiray.

- Advertisement -

4- Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan Beenebeebe: Waxaa wasiirka beesha Baadicadde ee uu soo xushay Madaxweyne Xasan Sheekh, kana mida xisbigiisa iyo xubnaha ugu dhow.

5- Xildhibaan Cali Xaaji Aadan ayaa loo badinayaa in la siiyo xilka Wasiir ee Beesha Gaaljecel.

Xubnahan kale ee wasiirada iyo wasiiru-dowleyaasha ka heli doonto Beesha Hawiye ayaa sidoo kale u badnaan doona Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh, taasoo meesha ka saartay rajadii ay qabeen siyaasiyiinta kale ee Beeshani oo qaarkood ay codad badan ku taageereen doorashadii Xasan Sheekh.

Mushariixintii Beelaha Hawiye ee xilka Madaxweynaha oo dhammaan Xasan Sheekh taageeray wareegii labaad iyo saddexaad ee doorashada ayaa intooda badan la sheegay inuu albaabada ka xirtay Madaxweynaha, iyadoo musharaxa ugu fog ee ay kala boodeen uu noqday Shariif Sheekh Axmed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON