Thursday, February 13, 2025

XOG: Xasan Sheekh oo bilaabay inuu qaab cusub kalsooni ugu raadiyo xukuumadda cusub

Madaxweynaha Soomaalida Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay kulamo uu la yeelanayo xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, si uu kalsooni ugu raadinayo Golaha Wasiirada xukuumadda cusub.

Kulankii ugu dheeraa ayaa shalay dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana lagu dhammeytirsay xubnaha Golaha Wasiirada, iyadoo kulankaas kadib uu Xasan Sheekh bilaabay inuu qaab cusub oo ah Maamul Goboleed ula shiro xildhibananada Golaha Shacabka.

Xildhibaannada Galmudug ayuu la kulmay shalay, iyadoo sidoo kale uu maanta ilaa caawa la kulmayo xildhibaannada kasoo jeeda Beekaha maamul Goboleedyada kale, si uu uga dhaadhiciyo inay taageeraan oo kalsooni siiyaan Golaha Wasiirada cusub.

Ad

Xildhibaanno badan ayaa saluugay qaabka uu Xasan Sheekh ula kulmayo, taasoo ay ugu wacan tahay in xildhibaannada ay isugu xiran yihiin beelo iyo jufooyin, awood qeybsiguna ku saleysan yahay nidaamka beelaha dhexdooda ah, taasoo keentay inay qaarkood ka baaqsadaan kulamadaasi.

Ujeedka Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu yahay inuu iska ilaaliyo loolanka beelaha dhexdooda ah, kaliyana uu si guud ugala hadlo inay taageeraan xukuumadda cusub.

Tan iyo intii xilka Madaxweynaha mar kale loo doortay wuxuu Xasan Sheekh albaabada ka xirtay dhammaan siyaasiyiinta, xildhibaannada iyo musharixiinta lasoo halgamay Doorashadii Madaxweynaha, wuxuuna kaliya arkayey shaqsiyaadka uu dalbado.

- Advertisement -

Ma cadda saameynta arrintan ku yeelan karto inay kalsooni hesho xukuumadda cusub oo toddobaadkan lagu wado in lagu dhawaaqo, waxaase muuqata halis ah in dib u dhaca weyn ee ku yimid uu keeno mucaaradnimo lagala hor yimaado.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON