Saturday, May 24, 2025

XOG: Xasan Sheekh & C/qaadir Cosoble oo Ololihii Mucaaradnimada dowladda u yeelay weji kale [Akhriso]

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha dibadda Baarlamaanka Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa weji kale u yeelay mucaaradnimada ay kala horjeedaan dowladda Somalia.

Labadan mas’uul oo doorashadii Febraayo 2017 kula tartmayey Madaxweyne Farmaajo ayuu hore uga dhaxeeyay dagaal siyaasadeed, wuxuuna C/qaadir Cosoble hormuud u ahaa mooshinkii ugu horeeyay ee la isku dayo in laga keeno Xasan Sheekh intii uu xilka hayey, iyadoo uu codkiisa siiyey madaxweynaha hadda xilka haya doorashadii ugu danbeysay, waxayse hadda ku midoobeen mucaaradnimo culus.

Labadan xildhibaan oo ay wehliyaan ilaa 6 kale oo kasoo jeeda Beesha Mudddulood ayaa shalay ka qeyb galay kulan ay soo abaabuleen oo ay ku casuumeen Odayaasha iyo siyaasiyiintii hore ee Beeshaasi, waxayna sheegeen in xaaladda dalka ku socoto keli-talisnimo iyo meel halis ah, iyagoo beesha u soo jeediyay inay go’aan ka gaarto.

Ad


AKHRISO: Xildhibaannada & Siyaasiyiinta Beesha Muddulood oo shir Xasaasi ah ka yeeshay Dowladda Farmaajo & Kheyre [Sawirro]

Siyaasiyiintii hore ee beesha kasoo jeeda sida Cali Mahdi, Nuur Cadde, Cali Ugaas iyo xubnaha kale ee shirkaasi ka qeyb galay ayaan wax go’aan ah ka qaadan arrintan, waxayna u sheegeen xildhibaannada mucaaradka ee Beeshaasi inay sidoo kale arki doonaan xubnaha kale ee labada gole iyo Xukuumadda ugu jira.

Ololaha ay wadaan xildhibaan Xasan Sheekh iyo C/qaadir Cosoble ayaa soo cusboobaaday markii uu shaqeyn waayey mooshinkii xil ka qaadista Madaxweynaha, waxayna markas kadib bilaabeen dadaal lagu doonayo in beelaha Muqdisho lagu kiciyo dowladda hadda jirta, taasoo aan la ogeyn natiijada ay ka gaari doonaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON