Saturday, October 12, 2024

XOG: Xaalad ka taagan Ciidamada laga keenay Eritrea iyo Madaxweynaha oo mar kale la kulmay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii saddexaad maanta tegay xerada ay ku jiraan ciidamada lagu soo tababaray dalka Eriteria oo la sheegay inay gadood ku jiraan.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu Xerada Jeneraal Gordan kula kulmay ciidamada ka yimid Eritrea oo ka cabanaya noloshooda, xuquuq ka maqan iyo in si xun loola dhaqmay, isagoo dadaal ugu jira inuu askarta qanciyo, isla markaana qaar ka baxay xerada dib ugu soo laabtaan.

Isla xalay ayuu sidoo kale madaxweynaha la kulmay Guddiga waalidiintii ah, isgoo kala hadlay sida ciidanka inta maqan ay dalka dib ugu soo laabanayaan iyo fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa in waalidiinta ay dib ula midoobaan ubadkooda, islamarkaana ciidamadu ay helaan waqti ay la qaataan qoysaskooda iyo ehelkooda.

Ad

Xogta laga helay waalidiinta ayaa sheegeysa Madaxweynaha dadal ugu jiro xalinta cabashada askarta lagu soo tababarray dalka Eritrea. Waxaana uu ciidamada u sheegay inay xaaladda dejiyaan, loona fulin doono ballanqaadka inay heli doonaan xaquuqdooda, mushaarka iyo daryeelka kale ee ay doonayaan.

Komeerka Madaxweynaha ku tegay Xerada Gordan ayaa keenay maalinta gelintii dambe ilaa maqribtii in la xiro Wadadda Maka-Almukarrama oo in ka badan 4 saacadood u xirneyd socodka Madaxweynaha.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON