Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda C/risaaq Maxamed Maxamud ayaa kashifay sida xilka looga qaaday iyo xaaladihii ku wareegsanaa shaqadiisa.
Wasiirka oo shalay xolka looga eryay wareegto kaso baxday Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareysiyo fara badan siiyey warbaahinta Soomalaida, wuxuuna si cad u sheegay in xil ka qaadistiisa ay ka timid Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Mar la weydiiyey kaalinta Ra’iisal wasaaraha ku lahaa xil ka qaadistiisa iyo shaqadiisa ayuu kashifay wasiirka in Rooble aanu wax badan kala socon Arrimaha dibadda dalka, wax kaalin ahna ku lahayn shaqada wasaaradda Arrimaha dibadda, laakiin Farmaajo uu ahaa qofka sida weyn u daneyeynay ee hagayey siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Wasiirka xilka laga xayuubiyey ayaa sheegay inuu ka cawday arrimo ka mida shaqada uu hayo, una sheegaty Farmaajo inuu diyaar u yahay inuu xilka ka tago, balse la qanciyey, kadibna uu ka warhelay qoraalka xilka looga qaaday.
