Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa laga sugayaa inuu soo dhiso Gole wasiiro cusub, iyadoo ay soo baxayaan xog ku saabsan wasiirada xilalka weyn doona iyo kuwa dib u soo laaban doona ee kasoo muuqan doona xukuumadda cusub.
Wasiirada la saadaalinayo inay xilalkooda heystaan ama xilal wasaaradeed oo kale ka qabtaan Xukuumadda cusub ayaa ah wasiirada saaxiibka la ah Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ee sida weyn ugu xirnaa muddooyinkii tan iyo intii kusoo biireen Golaha wasiirada, waxaana ka mida:
1- Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga Jamaal Maxamed Xasan: waa wasiirka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo, waxaana xaqiiqo ah inuu xilkiisa kusoo laaban doono ama loo magacaabi doono Wasiirka Arrimaha dibadda, sida ay sheegayaan ilo ku dhow Madaxtooyada.
2– Wasiirka Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Oomaar: Waa wasiir kale oo ka mida saaxiibada Madaxweyne Farmaajo, inkastoo uu dagaal siyaasadeed uga imaanayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, haddana Madaxweyne Farmaajo waxaa cad inuu ku mintidi doono dib u magacaabiddiisa.
3- Wasiirka Dastuurka Saalax Ahmed Jaamac: Wuxuu Madaxweyne Farmaajo ka dhigtay Guddoomiyaha Guddigii Farsamada Doorashooyinka ee Shirkii Dhuusmaareeb 3, waana mid ka mida ragga ugu dhow Madaxtooyada Soomaaliya oo laga soo wareejiyey Wasaaradda Shaqada, loona dhiibay Wasaaradda Dastuurka kadib geeridii Wasiirkii hore C/raxmaan Xoosh.
4- Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji: Waa mid kale oo ka mida wasiirada la filayo inay kasoo muuqdaan Golaha Wasiirada cusub, waana nin qunyar socod ah oo aad u degan, ugu yaraan halis kuma jiro kursigiisa, wuxuuna ka dhex muuqday munaasabadii xil wareejinta Ra’iisal wasaaraha, isagoo xilligii xil-heynta soo magacaabay Guddiga la-dagaalanka Musuqmaasuqa, kadib taageero uu ka helay Madaxweyne Farmaajo.

5- Wasiirka Warfaafinta: Maxamed Cabdi Maareeye: Waa siyaasi xukuumad kasta la jaanqaada, si gaar ahna daacad ugu ah Madaxweyne Farmaajo oo shahaado sharafyo badan ka helay, waana mid ka mida siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee dowlad kasta u baahan tahay si afhayeen ugu noqdo ama u difaaco madaxda xilka heysa.
6- Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye: rajada dib u soo laabashadeeda mar waliba way xoogan tahay, iyadoo saameyn badan ku leh Beesheeda, isla markaana maamul kasta ku qasban yahay inuusan caddow ka dhigan halisteeda awgeed, siiba xilliyada Doorashada. Waxay si lama filaan ah u taageertay Madaxweynaha xilligan kala guurka ah, iyadoo iska ilowday Ra’iisal wasaare Kheyre oo muddo dheer ay si weyn ula dhacsaneyd.
GOOBJOOGE