Saturday, May 17, 2025

XOG: Sirta ka danbeysa diidmada Puntland ee Guddiyada heer Qaran oo xukuumaddu magacawday

Golaha wasiirada dowladda Federaalka ayaa dhowaan magacaabay guddiyo heer qaran oo muhiim u ah xaaladda Cabdiwali-Maxamed-Cali-Gaas-iyo-xasan-sheekhkala guurka iyo hiigsiga cusub ee 2016-ka, guddiyadan oo kala ahaa:

1. Guddiga doorashooyinka

2. Guddiya Xuduudaha

Ad

3. Guddiga Adeegga Garsoorka.

ayaa waxaa durba qeylo dhaan ka soo saaray kuna gacan seyray maamulka Puntland oo madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi uu sheegay in magacaabidda guddiyadaasi ay tahay sharci darro ka hor imaaneysa dastuurka KMG ah iyo heshiisyadii ay gaareen dowladda Federaalka & Puntland.

Haddaba Goobjooge.com ayaa ogaatay in sababta keentay qeylo dhaanta Puntland ay tahay damaceedii ahaa inay xubno ka hesho guddiga doorashooyinka iyo in xubnaha ka mid noqonaya guddiyadaasi ay iyadu soo magacaabato una soo gudbiso dowladda federaalka si loogu daro guddiyadaasi.

- Advertisement -

Xogta ayaa sheegaysa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si ku talogal ah ula heshiiyay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid si uu xubnaha ka mid noqonaya guddiyadaasi, taasoo si hoose loo dhameeyay iyadoo aan wax talo ah laga siinin C/weli Gaas oo hore arrimahan madaxweyne Xasan Sheekh hoos ahaan ugala hadlay, kana war sugayay in xubnaha Puntland kasoo jeeda isagu soo magacaabo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka dalbaday wasaaradda Dastuurka inay soo buuxiso booskii ay banneysay Caasho Geelle oo ahayd guddoomiyihii guddiga dib u eegista Dastuurka oo madaxda Puntland ay culeys ku saareen, waxaana isku dhac labaad noqon doona magacaabidda xubinta buuxineysa booskii ay banneysay Caasha Geelle.

Mar kasta oo loo sii dhowaado hiigsiga cusub waxaa sii xoogeysan doona loolanka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda Federaalka oo dhinac waliba doonaya inuu awoodiisa adeegsado xilli xaalad cakiran ay ku jirto qaabeynta federaalka.

Goobjooge.com

- Advertisement -

 

[ad name=”HTML”]

 

[ad name=”HTML-6″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON