Saturday, April 26, 2025

XOG: Sii-hayaha Wasiirka Batroolka Somaliya oo fadeexad kusoo baxday (Akhriso Magacaabid yaab leh)

Sii-hayaha Wasiirka Batroolka iyo Macdanta xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed ayaa qaaday tallaabo fadeexad ku noqotay oo uu doonayay inuu Hay’adda Batroolka Soomaaliya ee dhowaan la magacaabay hoos keeno xafiiskiisa.

Wasiirka ayaa 1-dii bishan September magacaabay Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, waxaana la yaab leh inuu xilkaasi u magacaabay gabar uu dhalay oo lagu magacaabo Sumaya (C/rashiid) Maxamed, isla markaana uu amray in dhammaan xiriirada Wasaaaradda iyo Guddiga Batroolka ay iyadu maamusho oo ay soo maraan.

Arrintan ayaa timid markii uu howlgalay Guddoomyaha Guddiga Bartoolka Soomaaliyeed Ibraahim Cali Xuseen, isla markaana xiriiro caalami ah la sameeyay shirkado iyo Hay’ado ku lug leh arrimaha shidaalka iyo Qandaraasyada lagu beecinayo xirmooyinka laga baarayo shidaalka oo la bilaabay Bishii Ogost 2020, taasoo keentay inuu wasiirku ku dhaqaaqo tallaabadan uu doonayo inuu ku koontaroolo dhaqdhaqaaqa Hay’adda.

Ad

Xogta ay heshay Goobjooge.net ayaa sheegeysa inay fadeexad ka dhalatay tallaabada uu qaaday Wasiirka Sii-haya Wasaaradda Batroolka, kadibna ay soo farageliyeen madaxda dowladda Federaalka oo ka hor yimid arrintan, waxaana lagu qasbay inuu ka noqdo magacaabista iyo amarka uu soo saaray Wasiir C/rashiid ee ku qoran warqadda hoose.

Xilliga kala-guurka ah iyo xaaladda ka dhalatay inuusan dalku lahayn xukuumad rasmi ah, muddo ka badan 40 maalmood ahna aan la magacaabin Ra’iisal wasaare ayaa sii xoojisay in wasiirada xilka sii haya ay ku dhaqaaqaan magacaabid iyo awood maroorsi.

Hoos ka Akhriso qoraalka

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON