Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa si aan la fileyn uga baaqsaday socdaal uu doonayey inuu ku tago magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in socdaalka Madaxweynaha Puntland ee magaalada Baydhaba ay isla go’aamiyeen isaga madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen, balse uu si farsameysan ku baaqday saacadihii ugu danbeeyay .
C/casiis Lafta-gareen ayaa dib ugu laabtay magaalada Baydhaba subaxnmadii 30-kii June, waxaana qorshuhu ahaa in galabnimadaasi uu Baydhaba tago Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni, laakiin waxaa wafdigiisa lagu wargeliyey in Garoonka Shaatigaduud aan gelinkii danbe diyaaraduhu ka degin, sababo la xiriira dib u habeyn ku socota.
Arrintam oo aanay hore uga warheyn Deni iyo wafdigiisa oo isu qabanqaabiyey safarkooda ayaa ku qasbanaaday inay ka baaqsadaan Baydhaba, kadibna u socdaalaan magaalada Kismaayo oo ahayd magaalada labaad ee u qorsheysneyd inay tagaan.
Baaqashada socdaalkii Siciid Deni ee Baydhaba ayaa loo arkay inay tahay qorshe si farsameysan looga hortegay tegistiisa K/Galbeed oo si aan la shaacin ay u diidanaayeen madaxda maamulkaasi, waxaana warar hoose sheegayaan inuu Deni ku jiro olole musharaxnimo madaxweyne oo aan la shaacin.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa isu qabanqaabinaya socdaal uu dibadda ugu socdo, ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, taasoo haddana meesha ka saareysa suuragalnimada abaabulka safar kale oo Deni dadaal ugu jiray inuu ku tago Baydhaba .
