Monday, February 10, 2025

XOG: Siciid Deni iyo Axmed Qoorqoor oo wada waanwaan lagu xalinayo Murank Doorashada 2020/2021

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa wada qorsheyaal ay doonayaan in xal loogu helo is mari waagga ka taagan Doorashada Federaalka.

Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni uu xiriiro toos ah la sameeyay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo doonaya in xal loo helo arrinta Gobolka Gedo, balse aanu wax guu ah ka gaarin iyo Guddiyada Doorashooyinka ee xukuumadda Federaalku magacawday oo weli taagan.

Siciid Deni ayaa dadaal u galay inuu noqdo hoggaamiye dhexdhexaadiya Musharixiinta Mucaraadka iyo Madaxweyne Farmaajo oo dhinac ah iyo Axmed Madoobe iyo Farmaajo oo dhinac kale ah intii aanu arrintan soo dhex galin Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo bilaabay inuu isaga dab qaado musharixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne Farmaajo.

Ad

Qorshaha Siciid Deni ayaa wax horumar ah ka gaarin sidii uu Madaxweyne Farmaajo ugu qancin lahaa inuu soo afjaro arrinta Gobolka Gedo ayaa go’aansaday inuusan xiriirka u jarin Madaxweyne Farmaajo, siina xumeyn xaaladda, inkasto uu shaki badan ka qabo daacadnimada madaxweynaha.

Khudbadii Siciid Deni ka jeediyey shirkii SPF ayaa bannaanka soo dhigay qorshaha waanwaanta uu doonayo oo ah mid u janjeerta Axmed Madoobe iyo Musharixiinta Madaxweynaha, halka Axmed Qoorqoor uu ku gaabsaday in wixii khilaaf ah ee jira xal loo helo. (Akhriso)

Axmed Qoorqoor oo u muuqda dhexdhexaad xilligan qaadanaya doorkii Ra’iisal wasaaraha ayaa ku wajahan magaalada Garowe, kadib markii uu magaalada Dhuusamareeb oo muddo ka maqnaa dib ugu laabtay, waxaana la filayaa inuu wadahadalkoodu xooogga saaro xaaladda Gedo, kadib wadajir u tagaan magaalada Kismaayo.

- Advertisement -

Dhinaca kale Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo meel dhexe looga tegay ayaa shaaciyey inuu socdaal ku tegayo magaalooyinka Garowe iyo Dhuusamareeb, iyadoo aan la ogeyn sida uu ula qabsan doono howsha ay wadaan madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON