Waxaa goor dhoweyd xarunta Afisyone ee magaalada Muqdisho ka furmay kulanka Gogolxaarka madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada dalka, iyadoo kulankii ay hareeyeen doodo culus.
Ilo ku dhow madaxda ayaa sheegay in shirkii shalay uu ahaa mid adag oo doodo qayaxan la isku dhaafsaday, iyadoo aan wax tanaasul ah iyo horumar lagu gaarin marka laga reebo in runta la isku sheegay oo qof waliba miisaankiisa la tusay.
Doodaha ugu adag waxaa wajahay madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dalabyo iyo eedeymo culus uga yimaadeen Madaxweynayaasha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, kuwaasoo ku saabsan hab-dhaqankiisa siyaasadeed, damaciisa kursiga iyo sida loo aamin karo.
Mararka qaar Farmaajo wuxuu difaac ka helayey madaxweynayaasha taageersan sida Axmed Qoorqoor, C/casiis Lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe, laakiin qodobadda ugu weyn ee la isku hayey waxay ahaayeen shuruudihii ay Puntland iyo Jubbaland hore ugu xireen ka qeyb galka shirka wadatashiga.
Ma jirin wax horumar ah oo laga gaaray shirkii shalay oo saacado dheer qaatay, marka laga reebo in si cad loo dooday, waxaana mar kale maanta sii socon doona kulanka oo wakiilada Beesha Caalamka ay sugayaan in xal lagu gaaro si loo aado Doorasho, laakiin caqabadaha horyaalla ay yihiin kuwo intooda badan uu mas’uul ka yahay Maxamed C/llaahi Farmaajo.
