Madaxweynaha Dib loo doortay ee Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa ku dhawaaqay Gogol wadahadal ku saabsan Dastuurka dalka oo la dhigay caasimada Puntland, taasoo uu aqbalay Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya caleemo-saarkii Garowe.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo ay Puntland xiriirka u jartay dowladda Federaalka ee Xasan Sheekh hoggaamiyo Janaayo 2023, kana baxday ka qeyb galka shirarka Golaha Wadatashiga Qaran oo go’aano culus lagu gaaray.
Dadaalka cusub ee lagu isugu soo dhoweynayo Puntland iyo dowladda Federaalka ayaa ka dhashay kulamo magaalada Garowe ka dhacay oo madaxda dowlad Goboleedyada iyo madaxweynaha Somaliya u tageen xafladii Celaamo saarka Deni.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu sheegay Siciid Deni inuu aqbalay Gogosha Garowe, isla markaana uu guddi u xilsaaray, iyadoo laga sugayo waqtiga uu kulanka dhici doono, balse xogta la helay ayaa sheegeysa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku socon dooni qorshihiisa wax ka bedelka Dastuurka.
Guddiyada Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa dejiyay habka looga doodayo Qodobadda Dastuurka ee wax laga bedelayo iyo qaabka ansixinta, waxaana lagu wadaa in kulamada wax ka bedelka Dastuurka ee Baarlamaanka ay bilowdaan toddobaadka soo socda.
Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Labada Aqal ee Baarlamaanka uga digay inta shirka Garowe socdo inay ka fogaadaan tallaabooyinka aan la isku waafaqsanayn ee la xiriira laalidda dastuurka iyo wax ka beddelka hannaanka maamul ee dalka.
Shaki weyn ayaa laga muujinayaa sida xal laga gaari karo khilaafka Puntland iyo Dowladda Federaalka iyadoo uu weli taagan yahay is-afgaranwaagii u dhaxeeyay Siciid Deni iyo Xasan Sheekh.