Saturday, April 26, 2025

XOG: Shirar xasaasi ah oo ka socda Baydhaba iyo Lafta-gareen oo taageero ka helay..

Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya inay halkaasi ka bilowdeen shirarkii ugu horeeyay ee ay isku arkayaan siyaasiyiinta K/Galbeed ee mucaaradka iyo Madaxweynaha maamulkaasi.

Labada dhinac ee isku haya K/Galbeed ayaa waxaa u kala dab qaadaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana xogta la helay ay sheegeysaa inuu jiro is-faham.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Aadan Madobe ayaa iska kaashanaya inay xal guud ka gaaraan muddo kororsiga Madaxweyne Lafta-gareen, waxayna dadaal xoog leh geliyeen sidii ay Musharixiinta Mucaaradka K/Galbeed ugu qancin lahayeen inay aqbalaan sanadka dheeraad ah ee Lafta-gareen.

Ad

Taas bedelkeeda waxaa heshiiska ka mida in doorasho madax bannaan ay ka dhacdo K/Galbeed aakhirka sanadkan 2023, isla markaana maamulka hadda jira uu joojiyo dhammaan wixii caqabado ah ee uu hore ugu dhigay siyaasiyiinta mucaaradka, sida in loo diido imaanshaha degaanada ay ka mid tahay magaalada Baydhaba.

Haddii heshiiskan lagu guuleyso ayaa waxaa muuqda in laga gudbayo is-mari waagii ka taagnaa muddo kororsiga maamul Goboleedka Madaxweynaha K/Galbeed oo lagu sigtay inuu isu bedelo gacan ka hadal.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON